adaa igu beeray caashaqa
naftuna aragaaga doontoo
asluub dhaqankiyo xishoodkaagan
anigu kugu amaanayaaye

isoo eeg maruun ilwaad quruxeey
indhuhu aawadaa ilmeeyaaye

agjooga naftu aaminaysaa
udgoonkaaga isoo jeedinayaaye

iga qabo ubaxan adigaa lee
amar weeyi jacayle ii ogsoonow

ma arkayo cid kale adi mooyee malyuuneey
RABIBAA ku ilyoo aragaaga i deqay
ila dheel aniga ila dheel i
adigaan ku rabaayenila dheel

aduunyada hablaha soomalidaba
quruxda ugu horeeyee
waxaad tahay iftiinka ii baxayee
dunida ka ilaashanaayee

Exit mobile version