Heesta Dhoolbari - Lyrics
dhool bari ka muuqdaa
dhaan loo nageyaa
adiguna dhigiisii
ii soo dhalaashee
inkastod wax dheertay
adaan dhaadin mooye
ma dhawid agtaydoo
dhagahiyo aragaad
labadaba ka dheertoo
kaa waayay dhinacee
waxaan dhawrayaa wali
inaad soo dhawaatee
dhalanteed nin lagu sabay
ilayn waa ka dhaatee
warku wuxuu udhacayaa
dhakafaar abuurtee
ogow dhuumashada qaar
uu dhabarku muudaa
waa dhib iyo hadimee
dhoobadab waa kii
rahuba ku dhuuntee
isaguba dhawaaq male
intuu dhibica sugayee
inuu waqalku soo dhigo
isba waa ka dhawree
ana dhaaf ismaan odhan
dhaartiyo wacadkaan
labadeenu dhiganoo
dhana ugama guurine