dhdiyeey dharaarahan
waan ku dhawranayoo
dhoofayoo ma joogee
dal dheeree

dhaayuhu waxay tabaayaan
ina ay ku dheehdaan
dhinacaygan soo joogee

sidaa dhoolka roobkaad
ii soo dhallaashee
ha igu dhaafin caashaqa

dhayal ha u malaynine
dhuuxiyo lafahabuu
dhabo wayn ka jeexdoo
dhab weeyee

hurdo dhag markaan galo
waan kugu dhadhabayaa
adiguna ma dhaadidee

Exit mobile version