Heesta Doorashada somaliland - Lyrics
dalyahaw soomaaliland
dadyahaw soomaaliland
la doortuhu wuxuu raba
inuu dalkiyo dadkaba u adeegee
doortuhu wuxuu rabaa
kii daacadee aan dan gaaralayn
hadii aad dareerteen
codkiinii ku deeqdee
komishankiyo dastuurka
xilka dusha ka saarteen
natiijaday diyaarshaan
dadkaygow ku qanac
dunidaa ina daawanaysee
somalilaney ku dabaal dag nabad
dalyahaw soomaaliland
dadyahaw soomaaliland
ayay kaa dumin waxaad
daraato soo dhistiyo
daganaansho nabaduye
hadaba kii la doortaba
xilka ugu ducee hadimada ka daa
ka la dooranaw kuwa danbe dadaal
ha ku dudin sidaa danta qaran xushmee