Heesta Dulqaad - Lyrics
sidibay dabayluhu
hadba dacal habeenkii
anoo daalay socodkii
dirqiyay talaabada
hadba daw u leexdaa
daruur dumaha joogtee
marna aanan dayi hayn
dugsigiyo sariirtaba
wuxuu damacu leeyiyo
dantaydaan hesheenine
dookhiyo kalgacalku
ma midaan daminbaa
sidiibaan dulqaadiyo
doorbidaayay samiroo
damiirkiyo naftayduna
iska daba wareegeen
ma dagani nacabaw beel
xasili waa dareenkii
waxaan imika doonaan
diidayaa markaan helo