inanyahay ayaantii
hore een is aragnay
isu imashadeenii
ayaa igu eekaatoo
amakaag ka qaadoo
naftaydii irdheeyee

ma ilowday mise waad adkaysoo
waad abaabulaysaa

inanyahaw aduunyadu
ayaan kaliya maahe
ibtilida ku haysaa
anba way i agtaaloo
iri dhaban sidiisaan
kuu ololayaayee
ma iloobi karayoo
axdigii dhexdeena
waan adkaynayaa

inanyahay asaagaa
edebtiyo la dhaqanka
iimaanka deeqdee
ifka adiga mooyee
inaan eego meel kale
naftu ma ogolaatee

arladaba dhamaanteed
la'aantaa iftiinoow
waa urugadaydee
ha is odhanin kaligaa
ayaa olol jacayl qaba
anba kula midbaan ahee

Exit mobile version