Adduunyada barkeediyo
Badankiisa aadmiga
Adoo bari harraadaa

Kuu oofin lahaa biyoo
Boqollaalka ruuxbaan
Beddel kaaga dhigi lahaa

Adigaa bil dhalataay
Ee baaal ka eega
Nafta kaa ballamiyee
Niyaddana ku beernaa

Miyaan kaa bogsanayaa
Sida beer lajaraybaan
Jirku ii babanayaa

Sida balad hayaankaa
Adigoo karraacdaadaa
Bu'da kaa ilaashaa

Basanbaaska caashaqa
Inta kula horjoogaa
Bahal soo dhaco
Oo soo dhacoo

Adigaa bil dhalataay
Ee baaal ka eega
Nafta kaa ballamiyee
Niyaddana ku beernaa

Miyaan kaa bogsanayaa
Sida beer lajaraybaan
Jirku ii babanayaa

Exit mobile version