adigaa damiirkiyo
naftayda damaqdoo
anigu kuma dayn karayee
sidii daruurta dushayda ku da'doo
igu daartayjacayl aan damayne

yuu dabcine jacayllku
dacalkaaga ila qabo
damaashaadka ciyaarta
durbaanka ila tumoo

ha iga daalin ha iga daahin
soo durugeey

hoobeey ala hobeey
hobaaligeyey
waar heestu heestii weeyaane
hoobeey
doqonbaa se ogayn
wixii u dan ahoo
aan daryeelin nin ragoo
u daacad ahee

habeen damay oo robkuna da'aya
daraadaa dibada u meerayee
dumar kale najad ma doonaaye
adigaan dumar kuu jecelee

dayday sidaan kuu doonaayo
dayday sidaan kuu daba socdo

dagaankii hargaysiyo
dgaankii burciyo
degaankii ceerigaabo
deegaankii boorama
soo daawanaynaaye

degaankii muqdishiyo
degaankii jabuutiyo
degaankii bosaasaan
soo daawanaynaaye

Exit mobile version