Heesta Ogaaday - Lyrics
amarka waqtigaa ina kala anbiyo
imika la ii hayaa ag joogaagee
aamusi kari waayay awgaayoo
afka iga xada amaantaadee
waa amuur kalgacayloo waad aragtee
naftaydan kuu ooman abaal mariyeey
ogaaday inaanan adkaysan karayn
igu soo aartay aramidaadiiyeey
anigoo ooyayaan dadku irkayn
ilmadan ku qarsha indhaha dabadood