hadaan ifka kuu jeclaa
uurkaygu kuu samaa
hablaha idilkood adiga
hadaan kaa ishaartay beri
in badan ku amaani jiray
nuurkii indhahaygeee
asluub badaneey lahaa
hadana anigaa ku nacay
waxaan kaa aamin baxay
markaad ii abaal dhacdee
qalbiga ubixii ku yaal
haduu qalaluu engagay
maxaan kugu aal anigu
oo aan kuu qaban karaa

markay arimada kalgacal
naftayda idlaysatooo
dartaa amakaagsanaa
abaydin sidii ahaa
indhaha adigaa is tiaray
iftiinkiibaa galbaday
ayaankaagii wacnaa
irdaha adigaa u xidhay
waxaan kaa aamin baxay
markaad ii abaal dhacdee
qalbiga ubixii ku yaal
haduu qalaluu engagay
maxaan kugu aal anigu
oo aan kuu qaban karaa

Exit mobile version