VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hanka maanka deeqday - Lyrics

quruxda haybadaada iyo hanaanka dabaca iyo xishoodka hibada rabi kuugu deeqay ayaan hablo kaaga doortay hadafka qoolkaaganiyo kartida hufan iyo garaadka sharafta rabi kugu hagoogay ayaa hanka maanka deeqay hiigsiga taan goobayaay haraad biiyaay dhabtii markaan ku helaan xamdiyay hamigu kuu doonayoow waxay talo ii hagaagtay qudhayda markaad hantiday sidaad iigu hiilisay inaan kuu hagar baxo xayaatii anaa u heelan naftaa kuu hanuunsanoo inaan kuu hogaansanaado xabiibi anigaa u heelan
Queue is empty
-- / --