VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta jalbeeb - Lyrics

ahaaaay jamashada laabta la jibaysan xasuusta uu ku beeray jacaylka dhex jibaaxay dareenka jamaalkeediyo muuqa uu jaliil dhameeyay dib markaan u jaleecay jidhku saw ma dubaaxin allooow yaa yarta jooga iyo jaaha wanaagsan intuu guur u jiheeyo la jalbeebsado caawa quruxdeeda jibaaran nafta waayo u jeelan u janjeerta dhankeeda saw ka jeedso ma diidin markii ay horjoogto saw jawaab celinteeda la jaanqaadka sarbeebta masoo jiidan quluubta allooow yaa yarta jooga iyo jaaha wanaagsan intuu guur u jiheeyo la jalbeebsado caawa
Queue is empty
-- / --