ahaaaay jamashada laabta
la jibaysan xasuusta
uu ku beeray jacaylka
dhex jibaaxay dareenka
jamaalkeediyo muuqa
uu jaliil dhameeyay
dib markaan u jaleecay
jidhku saw ma dubaaxin
allooow yaa yarta jooga
iyo jaaha wanaagsan
intuu guur u jiheeyo
la jalbeebsado caawa

quruxdeeda jibaaran
nafta waayo u jeelan
u janjeerta dhankeeda
saw ka jeedso ma diidin
markii ay horjoogto
saw jawaab celinteeda
la jaanqaadka sarbeebta
masoo jiidan quluubta
allooow yaa yarta jooga
iyo jaaha wanaagsan
intuu guur u jiheeyo
la jalbeebsado caawa

Exit mobile version