caashaqu ma guur guuro
gadaf hore ma doon doono
ma guhaado ruux maalay
ma giriifo laab dooxan
inkastoo guyaal doora
gacalkiisa waaya
ma gambiyo xusuustiisa
jacaylkaan i gubay maanta
gedo oo tuskii hooray
baladxawo guudkeeda
garbaahaare baardheere
luuq ganaane oo doog leh
yaa kaa yeela gurigiisa

ma gablamo jcaylkeena
ma gaasiro wanaageena
garashaada samaanteena
ma geesmaro intaan joogo
in ksatuu i gaargaaray
qalbi gocosha reemayaa
gudcur kuma lugaysiiyo
jacaylkaan i gubay maanta
gedo oo tuskii hooray
baladxawo guudkeeda
garbaahaare baardheere
luuq ganaane oo doog leh
yaa kaa yeela gurigiisa

Exit mobile version