qudhayda ayaa ku jecel
wadnaha qayb wayn ka tahay
qalbiga dhex muquuratoo
adaan kuu qandhaysnahoo
qiyaas kuma koobi karo
qiimahaad ii leedahiyo
kalgacalkaan kuu qabo
qadari aadmigaa ku rabo
qorshaha caashaqa adkee
qiyaano ka dhawr macaann
sidii qaranka dhisnee
dhankaaga ila qabo adiga

qanqaabi jacayl asala
quduuc haku noqon adiga
quwee abidkaa quwee
qalooca udiid kalgcal
hadalkan ku qatimo
qalin qadku dhiig yahay
fariin kuugu soo qoree
qumaati qalbiyeey u dhugo
qorshaha caashaqa adkee
qiyaano ka dhawr macaann
sidii qaranka dhisnee
dhankaaga ila qabo adiga

Exit mobile version