VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Huuwaya huuwa - Lyrics

Huuwaaya huuwa Hooyo qaali ma joogto Dalkiyo xamar aaday Dalxiis u joogto Daawanaysa buuro Doogiyo ubaxii Huuwaaya huuwa huuwaaya huuwa Dalku waa barwaaqo Cimilo diiran weeyi Huuwaaya huuwa huuwaaya huuwa Jigjigayar weeyi jawi degan weeyi Dalkiibay jeclaatay Huuwaaya huuwa huuwaaya huuwa Jabuutibay u dhooftay Bada xeeligeeda Xeebtay u xiistay Xasuusbay u qaaday Huuwaaya huuwa huuwaaya huuwa Gaarisa yar aaday Geel dhalay ku maashay Gacalikiibay aaday Gayigeena weynbay Kolba gees ka aaday Huuwaaya huuwa huuwaaya huuwa Hargaysay u dhooftay Haleelada ku maashay Waa hodan dhulkeenu Haybadeedii weeyi Huuwaaya huuwa huuwaaya huuwa
Queue is empty
-- / --