Dalsaneey, sida Caanaha
Dhabankaadani dhayalanee
Midab dhiiga iyo
Dheeha yaabka leh

Sanqaroor dheer
Sunuyaha qoran
caku Dhuxul madoo
Inta uu yahay
Mid dhameestiranoo
Isku dhiganee

Dhaayahayga uroon
Dhalaal badanee
Kula dhacay kula dhacay
Kula dhacay Nasabeee

Dalsaneey Bilan
Dhaqankii iyo
Hido iyo Dhaxal
Taad udhalatiyo
Boqrkii iyo dhaclahii
Adigaa xiran

Dhaxyar Qurux badan
Tii hablaha dhidi
Dhayman iyo dahab
Ila dhiganee
Dhayman iyo dahab

Dhaayahayga uroon
Dhalaal badanee
Kula dhacay kula dhacay
Kula dhacay Nasabeee

Exit mobile version