waxaa dumaree arliga
ilwaadiyo quruxda lahee
asluub dhaqan lee asturan
midii aan aaminee
astaystay ayaa tahee
naftayda uumiyaha
amreekiyo eeshiyiyo
ikaa iyo ustareeliya iyo
afrikiyo yurub ku nool
adiga kaa dooratoo
dartaabay oomantay
iyadaa ubax jacayl
naftayda ubax jacayl
adiga qudha kuu sidoo
haday iriday gashiyo
albaabkeeda dhigan lahayd
inay kuula orodabay
wax kalaa ku idbaarayee

hadaad mar u iman lahayd
ama erayada jacayl
iyada ugu odhan lahayd
dhamaan oogada jidhkaa
farxad ku ayaansan lahhaa
daruuraha aasaasmi lahaa
cirka roob onkodi laa
dhulkaa geedaha engegay
ogbaad wada noqon laa
qalpigii ku ooyi jiray
dhabuu u ilmayn lahaa
iyadaa ubax jacayl
naftayda ubax jacayl
adiga qudha kuu sidoo
haday iriday gashiyo
albaabkeeda dhigan lahayd
inay kuula orodabay
wax kalaa ku idbaarayee

suldaan seerar
heesta afrika iyo yurub
lyrics by Ismacil Ahmed

Exit mobile version