Qudhaa raacday qalanjadayda
Maankay qaaday qalanjadayda
Xiskaa qabilay qalanjadayda
Anana u qiray qalanjadayda

Qunyar socod weeye quruxsantayda
Qolkeeda ideeqay quruxsantayda
Qasriga wadnahay degtay quruxsantayda
Ooqushuucayquruxsantayda

Yartu waa qalanjee aga
Quruxdaan ubogee aga
Qalbigay sudhantee aga
Anigaa ku qancee aga

Waa qaali dumar qalanjadayda
Waana qiimo badan qalanjadayda
Qorqornaanta wacan qalanjadayda
Qayrkeed ku dhaaftay qalanjadayda

Qumanaa asturanaa quruxsantayda
Qoorta udheera quruxsantayda
Qisay igu dhex leedahay quruxsantayda
Waana qeyb naftayda quruxsantayda

Yartu waa qalanjee aga
Quruxdaan ubogee aga
Qalbigay sudhantee aga
Anigaa ku qancee aga

Exit mobile version