Heesta Asal dhalad - Lyrics
asal iyo gobaad tahaoo
xishood loo asluub badan
rabigii ku uumaa fartuun
kuu idleeyay quruxee
aroor hore cadceed
soo baxdaad iila eegtahee
ebyan iyo dhamaysba taho
uunnku uu qiraye
indhihiyo qalbigaad deeqday
kuba ilaawayne
aduunyadaba kuma doorsaden
aragagtidaadiiyeey
oo aayo iima laha
nolol adi la,aantaaye
adigaan ifkaba kuu jeclahay
ubax la moodyeey
unugyada jidhkaa tahay
maanku aaminaye
abuurkiyo dulqaadkaagu
waa hibo illaahaye
rag ninki ayaan badan
ayaad ooridii noqone
indhihiyo qalbigaad deeqday
kuba ilaawayne
aduunyadaba kuma doorsaden
aragagtidaadiiyeey
oo aayo iima laha
nolol adi la,aantaaye
lyrics by Ismacil Ahmed