VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Beenbaad run mooday - Lyrics

Ogoow barashaadii Hadalkaagii uma bogin Aragu iyo bidhaantada Burji kuguma sheeginee Haddii ay bishaaradu buun buuni kugu tiri Basharakaaga wax dheertahay Bilistaad la simantahay Waa badbaadadaadii Bilistaad la simantahay Bootindaada dheereed Baradii ma dhaafinee been baad umoodee Waad soo baraarugi ahaa sii soco Erayada baraarka ah Maankaa burqanaayee Bilicdaada kama helin Bilaasha kugumaan oran isqaadqaadka beenta ah Dhaqankayna baal maray Aan kuu bayaashee Kama helo bogaygiyu Bootindaada dheereed Baradii ma dhaafinee been baad umoodee Waad soo baraarugi ahaa sii soco
Queue is empty
-- / --