Ogoow barashaadii
Hadalkaagii uma bogin
Aragu iyo bidhaantada
Burji kuguma sheeginee

Haddii ay bishaaradu
buun buuni kugu tiri
Basharakaaga wax dheertahay
Bilistaad la simantahay
Waa badbaadadaadii
Bilistaad la simantahay

Bootindaada dheereed
Baradii ma dhaafinee
been baad umoodee
Waad soo baraarugi
ahaa sii soco

Erayada baraarka ah
Maankaa burqanaayee
Bilicdaada kama helin
Bilaasha kugumaan oran

isqaadqaadka beenta ah
Dhaqankayna baal maray
Aan kuu bayaashee
Kama helo bogaygiyu

Bootindaada dheereed
Baradii ma dhaafinee
been baad umoodee
Waad soo baraarugi
ahaa sii soco

Exit mobile version