VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhoola cadeynta - Lyrics

cirkoo dhudub biyo dhigay dhool ku hooray dhulka hawdaka dhir caleenle ubax dhashay man dhalaalay dharab tif le roob la dhacay dhul siraaday dhaayo doogsi dhugashada iiga dhigan axdi dhawra waan la dhacay waan u dhaabtay waan ku dhaartay dhal gob weeyi dhaban xaadle dhay labeenle lagu dhaashayoo dhalaala xubno dhilan dheeli tiran dhex la soohay dharar joogle mid dheen dhool cadayntay dhag ka siisaa la i dhex qaaday waa dhamaysoo tan yari dhawrsan weeye ku dhadhabay intaan xad dhaqaaqay dhab jeclaadoo qalbiga dhaawaciisa dhakhtar weeye a huuno dhayda maanka yaa dhoofshoo ma dheera dhawr mar geeya qaalmo dhalay dhoodir bunduq yaa ka dhiiba waa dhabeele yaa dharkaynle dhoogle jawhar yaa dharaar dhulka hooyo sii dhaqaaja dhanka hobyo yaa u dhaqaaja sii dhaweeya aroos dhahar yaa u dhigoo dhay ku soora yaa u dhawrtoo sidii dhal caruur misana dhabta saara dhawr ayaamo yaa ku dhaha dheeho saaxil marka dhalin dheesho heelo dhaanto tunto ubax dhiina yaa ugu dhiiba dhagax buur yaa mar dhaafsha xeebta dheeree saylac dhaafta oo dhansiiya dhayda carta dhadhan xoor le
Queue is empty
-- / --