VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ducaan - Lyrics

gubadii nafteydaay inkastoon gu yaal badan gabdho aynigaagiyo dumar ahaantood aan ugooyay awgaa gafna ma sameynine calafbaa go aansho meel fog ku geeyoo gayn yadaan jeclaayee guryo samo hargeysiyo tog dheer goonyaheedaa galbisyo aroos wacan gaaf kuu qaban lahaa gayigoo barwaaqo aa geeliyo garmaan faras gacalkiino siinoo galad eebe weeyee haduu eebe kugu simey geesigii ku caashaqey garabkiisa taagnow ugardaadi ubad wacan gobonimo kunoolow ducaan guudka kuu sudhay gucashadu ma fiicnee waxan uga gol leeyahay farxi gaari weeyee ninkay guri ujoogtee gogol kugula caweysoo guul maanta gaadhee gudo waajibkaagee geestaada ka adkow haguhaadin abidkaa aday gooni kuu tahoo guule kuu hibeeyay
Queue is empty
-- / --