Heesta Fardawsa - Lyrics
Inta gabadh la dheehdee
Ku dhex nool aduunyada
Fardowsaay dhamaantood
Sidaan kuula dhacay adiga
Ma was loo dhigaa jira
Inkastoon dhoofoon
Dal dheer jiro kayd aan dhamaanbaad
qalbigayga dhigatoo
Dhiigaad la socotaa
Qurux dheeli tirinbuu
Rabi kuu dhameeyoo
Dhawrsanaanta sharafta dhal gobees ayaad tahay
Dheehashada kalkacalkee
Dhab ugu midawnaa nafta dhiira galiso
Marwada igu dheereey anigaa dhab kuu jecel
Dumarkana dhamaantood samirbaad ku dhaaftee
Rabigeen dhibaatiyo dhalanteedka aduunyada
Ka dhawr fardawsaay
Qurux dheeli tirinbuu
Rabi kuu dhameeyoo
Dhawrsanaanta sharafta
Dhal gobeed ayaad tahay