gaaridii haweenka
gayigeena oo idil
inta gabadh ku nool dumar
gabigood hablaha kacay
gayaankeed ka doortaay
good iyo abeedbay
iga siisay garaboo
gurigiisa joogtaa
gibladiyo ciyaartiyo
gogol kula caweysa
gacaltooyadii taal
gar alle ma dawbaa
ma garaad haween
galin kumuu hawshuun
wali geed umuu korin
haasaawe lama galin
sida gobiyo caadkeed
wali geel kamuu bixin
galad eebe weeyee
waxaan guule kuu qorin
orof laguma gaadhee
ha u culanin gaawaha

gaaridii naftayday
ma gam,oo habeenkii
gocoshana ma daayee
haduu calaf xalkaa galay
anoon goyn xidhiidhkii
ku guhaadin maayee
duce kugu galbinee
geenyadaan jeclaayeey
marbuu gessi liicaa
gagi madhan istaagaa
talo uu gorfayn karayn
gudmo loo afeystaa
waa garaad haween
galin kumuu hawshoon
wali geed umuukorin
haasaawe lama galin
sida gobiyo caadkeed
wali geel kamuu bixin
galad eebe weeyee
waxaan guule kuu qorin
orod laguma gaadhee
ha u culanin gaawaha

Exit mobile version