Heesta Hablaha - Lyrics
hablaha arligeena ILAAH ku dhex beeray
inaan afka hooyo anigu ku amaano
waliba ku asteeyo oraah iyo maanso
waxa iga keenay ilwaad samidooda
akhlaaqda wanaagsan asluubta xishoodka
udgoonka carfaaya RABIGU u hibeeyay
intii ifka saaran cidaan ku asteeyo
ag jooji idhaahdo malaha lama uumin
sidii ubax nuura ilayska cadeceeda ayay u ifaanoo
indhihii mar jaleeca ayaa ashqaraara
intii xamar joogta intii mudug raacsan
intii hir shabeele u tahay aftirsiimo
intii juba laana baydhabo inta joogta
butlaan udugeeda intii ku aroorta
hargaysa amaansan amase arabsiyo
intii ku hoyata oodwayniyo boorama
awaare jigjiga gaarisa aageeda
dhamaan arligeena intii hablo joogta
anoon kala saarin amaba kala soocin
gob iyo asal weeye gobiyo asal weeye