VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hibo - Lyrics

Hiboy dabciga iyoo Qurux aadmi daawado Mida dumar u sidatee Sharafiyo dulqaadiyo Asluub daaim siiyee Damiiriyo dadnimo leh Naftu diidin baa tahee Dig iyo awaariyoo Doogii bilcin buuriyo Yoocaale iyo dayr Daramaan lagu gardaashoo Duco waalid sidatoo Dumar ugu saraysoo Daahir lagu dhalaa tahee Gashaamiyo darooriyo Arabsaa dalxiis lee Dauus lamoodyeey Yaa kusoo dalmariyoo Dalsan ciida hooyiyo Dhagax buure kula dega Dhurqode dhagax madawiyo Dekadiyo kuna gadoo Dumar wada asluuboo Daainkeen udhaliyee Diinta dhaxal yeeloo Deganaansho iyo sharaf Igu dunida kow noqo Nasabkii duriyadiyo Gaari dacadaa tahay Xuural cayntii dunidoo Dabciyo wanaag loo Ninkuu calafku kugu daro Dookha kula wadaagoo Hiboy daawadaa tahee
Queue is empty
-- / --