Heesta Hoodo - Lyrics
Hoodaay gayaankiyo
Inta guudka loo dabay
Gidigood hablaha idil
Garaadkiyo aqoontiyo
Adaa garasho dheer
Quruxdaa is gaadhiyo
Laafyihiyo garaaraha
Sida goray haldhaabaad
Gole joogsi leedahay
Sida geenyo dhiinaad
Midabkana guduud tahay
Hobeey hoobeey
Ala hobaaligeey
Gacalooy aduunyadan
Hoobeey
Guyaal badan ku naaloo
Hobeey
Gobonimo ku naaloo
Hoobey
Gobanimo ku nooloow
Hoobeey
Guulayso waligaa
Hoobey
Duco waalid garabsoo
Hoobeey
Guule ubad ku sii wacan
Hoobeey
Gurigaad ku ababtiyo
Geesigii ku dhalay iyo
Gaari hooyadaabaa
Hanaankaaga gobonimo
Kugu soo gardaadshee
Adaa haybad gooniya
Hoodooy gaar u yeeshoo
Goday iyo shabeeluu
Kaa beeray guuluhu
Gayigaad ku nooshaa
Guryo samo barwaaqee
Hobeey hoobeey
Ala hobaaligeey
Gacalooy aduunyadan
Hoobeey
Guyaal badan ku naaloo
Hobeey
Gobonimo ku naaloo
Hoobey
Gobanimo ku nooloow
Hoobeey
Guulayso waligaa
Hoobey
Duco waalid garabsoo
Hoobeey
Guule ubad ku sii wacan
Hoobeey