VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Jacayl quwad leh - Lyrics

Qof xumi intuu dunida joogo Qilaaf laga waayi maayo Warqaad iyo diro diraale Lamaane intuu qasaayo Is qabad laga raysan maayo 2× Qalbiyo isku soo dhibtooday In badan samir quudanaayay Inay is helaan sii qorshaystay Noloshoo qormoo sii astaystay Dadbaa jira quudhi waaya Dadbaa jira quudhi waaya 2× Quluub adagaa namiimku Qalbina ma leh xaasidiintu Qaarkood dhagaxaa ka roone Quraan iska saar sharkooda Qardhaasna ka xiro hooy hooy Qardhaasna ka xiro xijaaba Qardhaasna ka xiro hooy hooy Qardhaasna ka xiro xijaaba 2× Qarniganay soo bateenee Qoom kasta waa laga helaayay Qarbeed iyo naar afuufeed Qas wada diintana maade Xaasidka lagu sheeg quraanka 2× Farxada laba qaadanaaya Dareen dhaba qaybsanaaya Dadbaa jira quud dareeya Cudurka naxligay qabaane Jacayl quwad lihi ma liico 2× Quluub adagaa namiimku Qalbina ma leh xaasidiintu Qaarkood dhagaxaa ka roone Quraan iska saar sharkooda Qardhaasna ka xiro hooy hooy Qardhaasna ka xiro xijaaba Qardhaasna ka xiro hooy hooy Qardhaasna ka xiro xijaaba 2×
Queue is empty
-- / --