Janooy wehelkaygiiyey
Jawiga farxadee naftaay
Yartaan Dunidaba jantaay
Xubnahan igu wada jiraay

Wuxuu jacaylku iga ba'aa
Markaad ila joogta oo
Joog dheer jiidhkaygiyeey
Rajada jaarbaad utahay
Riyada joogtaad ku tahay
Naftaad ku jixaasantahoo
Wadnaha jeexiisiyeey
Jacaylkana adaa iska le

Qudhaa adi kula jirtoo
Waxaad jiiftaa qalbiga
Waxaad jeexatay wadnaha
Lubiga adigaa ku jaran
Dhabna waan kuu jeclahay

Arwaax ani igu jirtaay
Jihada noloshaydiiyey
Ruuxdaa iigu kaa jirtoo
Runbaan adi kuu jeclahay

Waxaan naxariis jaqaa
Markaad ila joogta oo
Joog dheer jiidhkaygiiyey
Darajada jaarbaad u tahay
Riyada joogtaad ku tahay
Naftaad ku jixaasantahoo
Wadnaha jeexiisiyeey
Jacaylka adaa iska le

Qudhaa adi kula jirtoo
Waxaad jiiftaa qalbiga
Waxaad jeexatay wadnaha
Lubiga adigaa ku jaran
Dhabna waan kuu jeclahay

Exit mobile version