Waa hubaal inaad
Gabadh kugu haboon
Cabdullaahow heshee
Aad la hoy gashee
2x

Hooyo qaali iyo
Hanadbaa dhaloo
Hido iyo dhaqan
Haybad lagu barbaarshoo
Waa harac qabow
Iyo guri lagu hirtee
2x

Kala hela hela
Ubad khayr qaboo
Isku haya haya
Jacayl aan hantaaqmin
4x

Waa hubaal inaad
Wiil kugu haboon
Sowdaay heshoo
Habeekiinii ay tahee
2x

Geesi weeye
Hiil iyo hoo lohoo
Hanatoo aduu
Kuu heelanyahee
Hambalyo dhanaan
Iyo ka timid dhulkeenee
2x

Kala hela hela
Ubad khayr qaboo
Isku haya haya
Jacayl aan hantaaqmin
4x

Kala hela hela
Ubad khayr qaboo
Isku haya haya
Jacayl aan hantaaqmin
4x

Exit mobile version