Heesta Ma ogtahay Salmaanee - Lyrics
ma ogtahay salmaay
sababtaada awgeed
soortii la cunayiyo
nafacadii ka ssaahiday
ma shalana jacaylkuye
aniguba suldaanoow
siduu adiga kugu yahay
waan kuula simanahay
waxaad iila siman tahay
saqda dhexe cirkoo da,ay
ubax saaran geedaha
iyo saban barwaaqa ah
raga sabankan joogana
kaa soocday adigoo
sidig kugu lamaaniyo
midaad saaqday baan ee
tii aan sanado badan
saadaalinaayee
sacabada u tumayee
soomaali idilkeed
tii aan ka soocdee
sina kuguma daayee
sambabada jidhkaygiyo
sadrigaad kuu taalaa
kii aan sanado badan
saadaalinaayee
sacabada u tumayee
soomaali idilkeed
kii aan ka soocdee
sina kuguma daayee
sambabada jidhkaygiyo
sadrigaad kuu taalaa
ttii saban barwaaqaa
meel saxa udgooniyo
sabadkii goday iyo
guryosamo ku dhalataay
subaxdaan is baraniyo
meel saxo udgooniyo
saldhigii shabeeliyo
seeraha ku kulanaay
aduun waxaan kula simana jirin
oon kugu sifayn karo
oo suuradaada leh
wali dhaayo ma saarine
aan sabadka kugu habay
adiguna sidoo kale
su,aashiyo jawaabtii
hasii daynin wacadkii
tii aan sanado badan
saadaalinaayee
sacabada u tumayee
soomaali idilkeed
tii aan ka soocdee
sina kuguma daayee
sambabada jidhkaygiyo
sadrigaad kuu taalaa
kii aan sanado badan
saadaalinaayee
sacabada u tumayee
soomaali idilkeed
kii aan ka soocdee
sina kuguma daayee
sambabada jidhkaygiyo
sadrigaad kuu taalaa