VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Mataantii jacaylka - Lyrics

dunida madawgiyo mugdigaba la dhalatoo ma dhamaysto aadmigu intuu midho abuurte mixnad la ina galiyiyo mushkiladii aduunkaa ina kala maquunshoo midba gabi ku moosee muraadkeeda noloshaa murug lagu lifaqoo sidii loo macneeyaba naftu mahadin maysee inta kala maqnaanshaha uu midkeenba mel jiro warkeenuna is moog yahay ma ogiba si aan ahay mataantii jacaylkaay maxaad mudatay dabaday ma nooshahay ma dhimashaa xageed maanta jogta qoyska maamulkiisaa ku macaan lamaanaha wada maala caashaqa mudnaantana haleelee ana muxibadaadii maalin igama suushoo waxaan maanka ku hayaa mar inaynu kulanee mid ahaan indhahaagaa macaan haday bukooto muuqa iyo aragtida meel fog kama arkayside wadnayaal midooboo midigta is qabsaday ma iyagaa masaafiyo meel ku kala maqnaan kara
Queue is empty
-- / --