Qolo qolo madeenaayee
Qabiil ma iska tuurnaayee
Waa qaali midnimaduyee
Qarannimo ma dhowrnaa

Umad toban uqeebsami
Qurux yeelan meesee
Qayrkeen ma raacnaayee

Qaldanaha ma qabanaayee
Qumanaha ma yeelnaayee
Waa qoys dadkeenuyee
Qal qudha ma noqonaa

Umad toban uqeebsami
Qurux yeelan meesee
Qayrkeen ma raacnaayee

Exit mobile version