hadii aan maruun
murugiyo ku baday
muraniyo is jiid
waxaan ahay makhluuq
mar khaldami karee
macaan raali noqo
ii soo noqo iisoo noqo
kaama maarmi karayee

noloshaad muhiim
u ahayd malyuun
la'aantaa madaw
iyo waa mugdiyoo
mar hadaad indhaha
aad u muuqan karin
noloshuba ilays
iyo ma laha nuur

kaama maarmi karoo
maankiyo adaa
nafta maamushoo
mulkiyoo hantee
miyirkaygiiyeey
iisoo noqo ii soo noqo

noloshaa marmar
warwarkuba mudo
kaa madaysatee
muxubooy naftii
adi kugu marnayd
muhashadii ma dayn

qalbigii mudnaa
een ka maagi jiray
tolow boos mar kale
ma ka heli karaa
magacaaga sow
marwadii lehba
kuma muudayoo
kuma meerayee

Exit mobile version