hadii qurux la sheegiyo
qof hibo leeyahay amaan
aduu qaadir kugu ladhay
midaan dumarka qayrkaa
muunaay qayb u wada helin
qiimiga dadnimadiyo
qorqornaanta jaaha
inta qalanjo looga bogay
qaayahaad wax dheertaoo
adaa dhaban laguu qiree
gaari qaniyabaad tahay
iyo gabadh qadarin loo
qarnnigani muunaay
suugaanta qaranka ah
waxan lagu qadfaynoo
u qalmaba adaa jira

hadii qaabka bilicdiyo
qotonkiyo hanaankaba
dumar kala quruxoonyahay
adoon qofina kula sinayn
muunaay qaaradahoo idil
jeegaan soo qandoodiyo
ubax lagu qabooobaay
garbahaaray qalanjadii
qaadir u dhaliyaay
gob baa tahay lagu qancee
gaari qaniyabaad tahay
iyo gabadh qadarin loo
qarnnigani muunaay
suugaanta qaranka ah
waxan lagu qadfaynoo
u qalmaba adaa jira

Exit mobile version