Heesta Najma - Lyrics
Sida hogol daruurtoo
Dhulka baad ku hoortoo
..??
Loowada hamuun qabo
hoobaal la moodyaay
Najmaay haybadaadiyo
Hanaankaada iyanloo
Kuga heeran quraxdana
Weli hooyo may dhalin
Anigoo haraad qaba
Biyo hortayda yaaloo
Aanan haaban karinee
Waan kuu hanweenoo
Hurda beelay waayadanee
Jacaylkaada baa ihalayee
Huunooy kula haranharayee
Haye wada jirkeeniyo
Heshiis aan idin lahayn
Maku hooy galnaa
Hambalyada wadaagnee
Najmaay adiga mooyee
HaWeen wacarada jiraa
Hadal lama wadaaagee
Noqo hirashadeenii
Anigoo haraad qaba
Biyo hortayda yaaloo
Aanan haaban karinee
Waan kuu hanweenoo
Hurda beelay waayadanee
Jacaylkaada baa ihalayee