Heesta Najmo - Lyrics
Qorrax soo baxaysiyo
Qamar midabkileeyey
Waxa qurux jiroo idil
Qalanjadi u sidatee
Koobkeedi Qaadaay
Qaryaddii Hablaha iyo
Marwo loo qushuucoo
Qiimiyo milgiyo sharaf
Lagu qubay dusheedoo
Qaadir igu lamaanshaay
Inaan taagno qoysoon
Wada qaybsanaa nolol
Rabbigii qorsheeyee
Noogu jiiday qalinkaa
Uqalmaaya mahadee
Allow hayga kaa qarin
Najmo qaalidaydaay
......................................
Qowlkaaga wacan iyo
Qaabaynta noloshiyo
Sidaad ii qadarisaan
Aad ugu qancaayoon
Qalbigayga kaba bixin
Qof ka dhowrsan xuma'oo
Quman hooyadeed iyo
Qaryaan aabihii dhalay
Qur'aankiyo xadiistiyo
Qaybsiiyey dhaqankaay
Inaan taagno qoysoon
Wada qaybsanaa nolol
Rabbigii qorsheeyee
Noogu jiiday qalinkaa
Uqalmaaya mahadee
Allow hayga kaa qarin
Najmo qaalidaydaay
Abdikader Miyir (( afwaranle ))