VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Neecawda - Lyrics

Naxdin baa dhibaato leh Noloshaa dhibaato leh Noolaha dhamaantii Nacu kuma haboonee. Neecwada jacaylka Naftii u nuglaatay Miyaanad ogayn Inuu nabar gaadhay. Kuma nicin habeen qudha Taan naawilayaay Nasiibkayga noqotaay Nafta adi ku waydaa Noolaani maysee. ×2 Naq gobaa barwaaqo leh Nabad baa nagaansho leh Niyad caashaq galaybaa Nudug iyo xanuunlee. Neecawda jacaylka Naftii u nuglaatay Hadduu nabar gaadho Nasteex ku dabiib. Kuma nicin habeen qudha Taan naawilayaay Nasiibkayga noqotaay Nafta adi ku waydaa Noolaani maysee. ×3
Queue is empty
-- / --