Naxdin baa dhibaato leh
Noloshaa dhibaato leh
Noolaha dhamaantii
Nacu kuma haboonee.
Neecwada jacaylka
Naftii u nuglaatay
Miyaanad ogayn
Inuu nabar gaadhay.
Kuma nicin habeen qudha
Taan naawilayaay
Nasiibkayga noqotaay
Nafta adi ku waydaa
Noolaani maysee. ×2
Naq gobaa barwaaqo leh
Nabad baa nagaansho leh
Niyad caashaq galaybaa
Nudug iyo xanuunlee.
Neecawda jacaylka
Naftii u nuglaatay
Hadduu nabar gaadho
Nasteex ku dabiib.
Kuma nicin habeen qudha
Taan naawilayaay
Nasiibkayga noqotaay
Nafta adi ku waydaa
Noolaani maysee. ×3