Heesta Qalanjo – Xamda - Lyrics
Qalnjooy aduunyada quraxdaada oo kale
Qarnigiiba ruuxi mar quraa la keenaa
Sida qamar habeenimo xidigaha uqariyee
Nuurka uuga qaataa qayrkaa kuwatee
Qalbi dhaya inaa tahay
Xamdaay caalamkaa qiray
Qoortaada dheera is qabteen canbaaryahu
Qunyar socodka laafyahay
Xubnaha labada qaar
Qaadirkii ku uumaa
Qurux kuu dhameeyoo
Xamdaay kuma qabtaan dumar.
Inuu aadmigu qancooy
Indhahu kugu qaboobsadaan
Qof loo saarooy
janada laga soo qoraay
Qof haday igu lamaan
Quraxdii naftayda
Sidaa aan aniga qabo
Qayrkaag adaa nuurka uqeebiyee
Qalbi dhaya inaa tahay
Xamdaay caalamkaa qiray
Qoortaada dheera is qabteen canbaaryahu
Qunyar socodka laafyahay
Xubnaha labada qaar
Qaadirkii ku uumaa
Qurux kuu dhameeyoo
Xamdaay kuma qabtaan dumar.