Roob da aayiyo
Daruur hillaacday
Oo daa im na siiyaay
Indhaha deeqde
Diin asluubiyo
Xishood uddaa

Dayax iftiimiyo
Dahab lamooddaa
Dulqaad badnaayoo
Hadal debacsanaa

Dadnimo asluubbeey
Dadka dheer tahay
Doqonimana laguma xamanin
Dirac weeye
Alle haddaayee
Dabeecaddeedaa laguba raacaa
Samiira ducaysan
Anaa ku doortee
Ku doortayeee
Dookhaygii baa tahay

Dun xariiriyo
Daa uus u mooddaa
Midab aan doorsoominiyo
Gabdhaha u da yar
Markaad dayaysidna
Qurux uddaa

Yaa ku duulshoo
Dalxiis ku geeyoo
Laasqoray iyo baran
Dawaaf kusoo mara

Dadnimo asluubbeey
Dadka dheer tahay
Doqonimana laguma xamanin
Dirac weeye
Alle haddaayee
Dabeecaddeedaa laguba raacaa
Samiira ducaysan
Anaa ku doortee
Ku doortayeee
Dookhaygii baa tahay…

Exit mobile version