VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Samsam - Lyrics

Markaan samsameey indhaha La helay suuradaada wacan Adaa laabtiyo sadriga ku ladhay Ku ladhay saxansaxo jacayl Samsameey haybadiyo xishood Adaa dumar ugu sitoo Cid kula siman lama aragey RABIGA kugu saacidaa Sadqaybsigeena aqbalayee Markaan samsameey hablaha Adiga kaa soocdaybaan Sareediyo libin heloo Jacaylkan samada iyo Siraadkiyo nuurka badan Nasiibkaa na siiyaybaa SAATIRKA ugu mahadiyaa Hadaan samsameey anigu Quruxda SAATIR kugu galaday Sideeda u sheegi lahaa Suugaan kum koobi karo Asluub RABI kugu sadiyo Dabeecadaan saxar lahayn Adaa samsameey sitoo Salaantaadoo qudhaa aniga Sooryo iiga wacan
Queue is empty
-- / --