Markaan samsameey indhaha
La helay suuradaada wacan
Adaa laabtiyo sadriga
Ku ladhay saxansaxo jacayl
Samsameey haybadiyo xishood
Adaa dumar ugu sitoo
Cid kula siman lama aragee
RABIGA kugu saacidaa
Sad qaybsigeena aqbalay
Markaan samsameey hablaha
Adiga kaa soocdaybaan
Sareediyo libin heloo
Jacaylkan samaadiyo
Siraadkiyo nuurka badan
Nasiibka na siiyaybaan
SAATIRKA ugu mahadiyaa
Hadaan samsameey anigu
Quruxda SAATIR kugu galaday
Sideeda u sheegi lahaa
Suugaan kuma sheegi karo
Asluub RABI kugu sadiyo
Dabeecadaan saxar lahayn
Adaa samsameey sitoo
Salaantaadoo qudhaa aniga
Sooryo iiga wacan