Yartan Deymada markaan daawado
Dhibta duniduba ay I daysaa
Waan ku doortoo Waad I deeqdee
Dawladsanidaa

Nuurka dunidee daara noloshaay
Dookhii kula dhacay guul damaashaad
Qalbi kugu dagay oo dab-damis helay
Yaad daweysoo kuu duceeyoo
Dareen kuu nugulbaad u tahay dayr

Dobugaadiri did su aydhaay
Ruux inuu dago laabtaa kuu dihan
Daaqad laga galo wey wey wey
Daaqad laga galo waa danaystuu

Darmaan kuu dhigay qalbi daacada
Oo dad kuu jecel dugso Oo damac
Darmaan kuu dhigay qalbi daacada
Oo dad kuu jecel dugso Oo damac
Somali Somali weeye Somali Somali weeye
Somali Somali weeye Somali Somali yartu weeye

Godal udugiyoo hoyga diintee
Loo dalxiis tago dadku wada taga
Kal daweysana daalka biisaay
Daacadsanidaa

Dabci hooyaad door ka raacdoo
Daacad aabaa diin ka sidataa
Daalo ubixiyo doogu qariyaay
Ceeb dadaneey daahir baa tahoo
Ducaan kugu ladhay ood ku dadantoo

Cago dagashaday Oo ku daabacan
Maanka durugsani soo Dib muu wadi
Kuuma dararaan wey wey wey
Kuuma dararana maan dahabiya

Darmaan kuu dhigay qalbi daacada
Oo dad kuu jecel dugso Oo damac
Darmaan kuu dhigay qalbi daacada
Oo dad kuu jecel dugso Oo damac
Somali Somali weeye Somali Somali weeye
Somali Somali weeye Somali Somali yartu weeye

Exit mobile version