Quruxdaada tolmoonee
loo wada tartamayee
Ka tilmaaman hablahee
Qurashada ku quraacay
Ilaa maa tusqaadkee
Maantaan utaaganahay

Caqligaaga taamka eh
Tusamadayda nolasahe
Kugu toosiyaanee
Taawalinaa marleetu
Inaad tayda noqotaan
Ilaah ka tuugaa

Taashkii ku sumiha
Waa taa ku saaree
Taladayda qaado
Taaladii jacaylka
Kuu taagayee
Zamzamee tusaalahii filka noqo

Markaad xarakada tiicdee
Dhaqaaqdaa tilaabada
Tiigsatoo socdkeee
Timahaada dheeree
Leertu taabataa
Ana liigu tiixaa
Macaan la igu tiixaa

Markaa tiraahdaa
Taxanaha sheekada
Sidii tiix mireesaa
Tumatadii jacaylku
tobta ila haleesho
Taahaa habeenkii

Taashkii ku sumiha
Waa taa ku saaree
Taladayda qaado
Taaladii jacaylka
Kuu taagayee
Zamzamee tusaalahii filka noqo

Exit mobile version