VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ugbaad - Lyrics

Ugbaadeey nabaadiyo Waxaad tahay naq roobaad Neecaw udgoonlooo Nasabnimo u dhalatoo Nabad lagu korshaad tahee. Inta dumar ah ee nool Nimcada aduunkiyo Inaan nolol la qaybsadoo Midii aan niyaystee Naftu naftu aamintaad tehee. Natiijaddii jacaylkiyo Nafaqaddii kalgacalkee Nusqaanta aan lahaynee Naruurada hankayguna Uu ku naaxayaatehee Uu ku naaxayaatehee. Nasab waalid lagu hubo Nasteexada ku caana Naxli kaa ilaalshoo Inaan nolol wadaagnana Nasiibkaygaan kugu helee. Inta dibadda ku nagidee Dalka aad ku soo noqon Nuxuusta warkoodiyo Waxay nacabku sheegaan Yaan niyadda kaa dilin Yaa niyadda ka dilin. Natiijaddii jacaylkiyo Nafaqaddii kalgacalkee Nusqaanta aan lahaynee Naruurada hankayguna Uu ku naaxayaatehee Uu ku naaxayaatehee.
Queue is empty
-- / --