Ugbaadeey nabaadiyo
Waxaad tahay naq roobaad
Neecaw udgoonlooo
Nasabnimo u dhalatoo
Nabad lagu korshaad tahee.

Inta dumar ah ee nool
Nimcada aduunkiyo
Inaan nolol la qaybsadoo
Midii aan niyaystee
Naftu naftu aamintaad tehee.

Natiijaddii jacaylkiyo
Nafaqaddii kalgacalkee
Nusqaanta aan lahaynee
Naruurada hankayguna
Uu ku naaxayaatehee
Uu ku naaxayaatehee.

Nasab waalid lagu hubo
Nasteexada ku caana
Naxli kaa ilaalshoo
Inaan nolol wadaagnana
Nasiibkaygaan kugu helee.

Inta dibadda ku nagidee
Dalka aad ku soo noqon
Nuxuusta warkoodiyo
Waxay nacabku sheegaan
Yaan niyadda kaa dilin
Yaa niyadda ka dilin.

Natiijaddii jacaylkiyo
Nafaqaddii kalgacalkee
Nusqaanta aan lahaynee
Naruurada hankayguna
Uu ku naaxayaatehee
Uu ku naaxayaatehee.

Exit mobile version