VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Walaalkee dhaboo - Lyrics

geesigii ila dhashiyo walaalkay dhaboow dhawaqa sacabkay ayay dhaguhu maqlayaan dhamow farxadaadiiba dhalise dhambaal hambalyoo dhaxal gala iga hoo adaa dheemaney dhinaca muqdishiyo balcad ku dhashoo dumaashi dhamays dhaqan leh baa taho dhiga deeqaay waxbaad dhertoo bageed dhawrsaneed walaalkay u dhaxee dhismaha qoyskaad u sees dhigateen ku dheehan jacayl dhalaal badanoo ku dhaabo wanaag la dhaadi karo ubad dheef badan kuwii isu dhala kuwii is rugtiyo dhiskii lagu dago rabigu ha ka dhigo dhig iyo udub jira dhamays qurux lehiyo ku dhaan dirane ubax dhiiniyo dhalaal badane dhabtii deeqay liibad dhaxasho aduu khaalid dhediga ka xushey allow dhidibkii nigiisa tahe allow dheeliga dhibaato u diid xul isku dhiganoo is dhowrtaa tihiin allow dhalanteed wax dhiima u diid baguu dhalin yahay dhawlkiinan curtee
Queue is empty
-- / --